Shir ka dhan ah Kooxda shabaab oo ka dhacay Galgaduud (Sawiro)

HomeWararka

Shir ka dhan ah Kooxda shabaab oo ka dhacay Galgaduud (Sawiro)

Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje” uu maanta la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga

Meydka Haweeneey la baadi goobayay oo laga helay Wabiga Beledweyne
Ciidamadda NISA oo qabtay Waxyaabaha Qarxa
Maalinta Qaaxada Aduunka oo laga Xusay Garoowe (Daawo)

Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje” uu maanta la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha Shabsab looga saarayo deegannada Galmudug.

Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda xoreynta deegaannada Galmudug, si loo helo nabad waarta iyo horumar.

Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka iyo u diyaarinta xoreynta deegaannada Galmudug.

Taliyaha Guutada 15-aad, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha qaybta 21-aad ee saldhiggedu yahay magaalada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje” oo ka war bixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in talisku uu ka shaqeynayo bulshada ku nool deegaannada Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: