Shilalka & Gaadiidka Puntland: Tacsida naga Jooja oo Waxqabad la Imaada (dhegayso)

HomeWararkaMaqaalo Kale

Shilalka & Gaadiidka Puntland: Tacsida naga Jooja oo Waxqabad la Imaada (dhegayso)

Waxaa maalin walba deegaanada Puntland ku soo badanaya shilalka gaadiidka, keenana dhimasho iyo hanti burbur la dhihi karo waxba kama duwana kan argag

Waxbar gabadha oo ciribtir faqriga: Xuquuqda Carruurta & Taxanaha 1aad ee 2020 (dhegayso)
Xirfad Baro deedna Shaqo Raajici oo Nuura Cabdisamad ku Dayo
Boosaaso: Taxanaha 2’aad ee barnaamijyo ka hadlaya Halista COVID19 (Dhegayso)

Waxaa maalin walba deegaanada Puntland ku soo badanaya shilalka gaadiidka, keenana dhimasho iyo hanti burbur la dhihi karo waxba kama duwana kan argagixisada. Saas oo ay tahay arki maysid, maqli maysidna masuul sare oo Puntland oo ka damqada geerida joogtada ka noqotay jidadka Puntland.

Dhimasho kasta oo dhacda, nin door kasta oo candhomeydle sideed shaag dul dhigo, arki maysid oo maqli maysid  xildhibaan soojeedinaya sharci cusub oo lagu dhaqo gaadiidka iyo wadayaasha gaadiidka. Maqli maysid maamul degmo, mid gobol, mid heer Puntland oo talo cusub iyo sharci gaadiid cusub soojeediya.

Sabab? Goorma ayey se masuuliyiinta Puntland naga joojin doonaan oraahda caqli dawlo aan wadan ee oranaysa “darawaliintu aqoon gadiid ma leh!” Yaabka yaabkiisa e, horta dawladdu soo ma aha tan shatiga gaadiidka laga raadsado, oo shatiga wadaha bixisa, oo hadana gaadiidka canshuurta? Ma dawlad aan Puntland ahayn baa dalka ka jirta?

Bal aan isweydiino e, dadka dhimanaya soo dad ma ay dilin? Gaariga soo gaari nin kale wado kuma uu dhicin? Soo hanti ma ay burburin? Maxaa hadaba looga damqan la’yahay, oo wax dhaafsiisan tacsi iyo “waa darawal aan aqoon lahayn” looga la’yahay masuuliyiinta Puntland?

Waxaan waraysanay Gaashaanle Maxamed Finiin Yuusuf, Taliyaha Ciidamada Taraafikada Gobolka Bari, waxa uuna xusay in caqabadaha ay sabab u yihiin aqoon la’aanta darawaliinta iyo waddada oo mid ciriiri ah. Taraafikada ayuu ayana xusay in aysan si wanaagsan ula socon gaadiidka ku safra wadada dheer iyo xirfada darawaliinta oo aad looga deyriyey.

Taliyuhu ma uu xusin doorkii dawladnimo, laakiin doorkii dawladnimo weli waa mid laga sugayo taraafikida iyo maamulka Puntland. Caqli ma aha in aan maalin kasta ka tacsiyayno dhimashada nin-doorka Puntland.

Taliyuhu waxa uu u waramay wariye Xuseen Madar oo ugu horeyn weydiiyey waxa sababa shilalka gaadiidka ee soo badanaya.

Qormadani waa qayb qormooyin iyo waraysiyo taxane ah oo aan ku dabagali doonno doorka dawladeed ee kahortagga shilalka gaadiidka.

 

 

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 2
  • Maxamed Cabdirshiid 7 years ago

    Aqoontii waanu heynaa wasaarada gaadiidka waa fadhiiid waxna ma qabato sida ka muuqata hadalka taliyaha

    Dawlada waxay xooga saarta canshuurta isku xishooda oo dalka iyo dadka ha la badbaadiyo

  • Waa in sharci adag la duldhigaa imey limid go an ku socdaan tankale waa in lagaba mamnuuca socoshada habeen kii baa buurta waa weyn

DISQUS: