Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

HomeWararka

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

Afar qof oo saddax ay dumar yihiin ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta udhexaysa Sunajiif iyo magaalada Garoowe. Shilkan ayaa sidookale wa

Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul Wanaagga Puntland.
Xulashada Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Bulshada degmada Buurtinle oo aragtidooda ka dhiibtay wax ka badalka Dastuurka Dalka

Afar qof oo saddax ay dumar yihiin ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta udhexaysa Sunajiif iyo magaalada Garoowe.

Shilkan ayaa sidookale waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale.

Meedadka dadkii ku dhintay shilkan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka weyn ee Garoowe si eheladooda loogu wareejiyo.

Tuulada Sunajiif ayaa qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

 

Shilalka gaadiidka ayaa ku soo badanayay deegaanada Puntland, waxaana loo aaneeyaa intabadan Darawalada gaadiidka oo ku socda xawaare ka badan kii loogu talagalay iyo wadooyinka oo aan helin dayactir ku filan wixii ka dambeeyya burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: