Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul Wanaagga Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul Wanaagga Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 September furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Masuuliyiin ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda.

“Dimuquraadiyaddu sideedaba sahal kuma timaado, wadammada hadda sheegta dimuquraadiyadda waad garan kartaan wakhtiga ay ku qaadatay in ay dimuquraadiyadda dhab ah dalkooda ka sameeyaan, wadammada ugu horeeya waa Maraykanka isna wuxuu dumarka inay codeeyaan u ogolaaday 1920, iyagoo weligood ay ka jirtey dowladdnimo, doorasho, iyo dimuquraadiyadda, hadaba dimuquraadiyadda laba siyaabood waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu cidkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay?

waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, halkaa kuma’eka dadka iyagu tirade yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tuman inta tira badnida codka ku heshay” ayuu yiri Madaxweyna Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa si faahfahsan u gorfeeyey qaybaha kala duwan ee adduunka loogu dhaqmo dimuquraaddiyadda, isagoona is barbar dhigay dimuquraadiyadda keliteliska iyo dimuquraadiyadda tala wadaagga ku dhisan, madaxweyanaha yaa hoosta ka xariiqay inaanay dimuquraadiyaddu keenin horumar deg deg ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madaxweyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dimuquraadiyadda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com