Sheekh Shariif: ” Shacabka Afgooye ha loo gurmado

HomeWararka

Sheekh Shariif: ” Shacabka Afgooye ha loo gurmado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga

Guddiga Gurmadka Qarixii Zoobe Heer Puntland oo Maanta Muqdisho u dhoofay (Dhegayso+Sawiro)
Abwaan Cabdi Khayr Xasan oo tix gabay ah ku ammaanay Puntland iyo Khaatumo
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga Shabeelle.

Shariif ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo Shacabka Magaalada Afgooye.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay qeyb qaadan doonto gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye, waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladdaha Caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii dadka uu sameeyay wabiga Shabeelle ay u heli lahaayeen gargaar.

“Shacabka Afgooye waxaa saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle , waan in loo wada gurmadaa”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: