Somaali ku xayirnayd Ugandha oo muqdisho lagu soo dhaweyeey

HomeWararka

Somaali ku xayirnayd Ugandha oo muqdisho lagu soo dhaweyeey

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa markii 4-aad waxaa ay fududeysay in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku

Barnaamijkii Cayaaraha ee Radio Daljir (Dhegayso)
GUDOOMIYAHA GOBALKA MUDUG OO KA TACSIYEEY GEERIDII GUDOOMIYEHI HORE EEDAGMADA BURSAALAX IYO GANACSADE MUQTAAR MAXAMED OW KHALAF
MAANHADAL: Doorashada Puntland & Nidaamka Xisbiyada badan (dhegayso)

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa markii 4-aad waxaa ay fududeysay in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda.

137 Muwaadin oo maanta ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Entebbe ayaa noqoya duulamadkii 4-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda fudeysay, kuwaasi oo soo gaaray Muqdisho.

qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka Entebbe oo hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu mahad celiyay Safaaradda sida aay gacanta weyn ugu geystay in aay dalkii dib ugu laabtan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda oo ka duuleysa siyaasadda arrimaha didaba ee dowladda federaalka Soomaliya ee ku aadan in dib dalkii looga celiyo muwaadinka Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka dibadiisa, ayaa Safaaradda ilaa iyo hadda waxay dalkii dib ugu celisay ku dhawaad 500 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah .

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: