Madaxweynihi hore somaaliya oo markale si kulul uga hadlay doorashada

Madaxweynihi hore somaaliya oo markale si kulul uga hadlay doorashada

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayay ugaga hadleen arrimaha siyaasada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, ayuu shaki geliyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa mowqifka Madasha Xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka ku tilmaamay inay tahay mid ay madaxda, saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed ay heshiis ku yihiin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka Dhuusamareeb, isagoo ku tilmaamay natiijada shirkaasi in uu wax badan ka beli doono Arrimaha Siyaasadda dalka.

Waxaa uu sheegay inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya isagoo sheegay inay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin.

Waxaa uu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tilaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoona sheegay in wali aysan cadeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com