Sheekh Shariif: “Madaxweyne marka wax lagaa sheego meela mugdi ah iyo wiilal Facebook ha noo aadin”

Sheekh Shariif: “Madaxweyne marka wax lagaa sheego meela mugdi ah iyo wiilal Facebook ha noo aadin”

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Dowladda ay sharci ku dhamqaan,isla markaana aysan ku lumin waqtiga wax aan waxba kasoo baxeyn.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalka uu ku socda Waddo Mugdi ah oo haddii aan laga qaban laga shaleyn doono.

Waxaa uu soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xilligaan aysan muuqan qorsho dhab ah oo dowladda ay ugu diyaar garowdey doorashada soo socota.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in aysan ku mashquulin Facebook iyo Canjalado la jarjaray taas badalkeeda ay la yimaadaan Jawaabo lagu Qanci karo.
“Madaxweyne marka wax lagaa sheego meela mugdi ah iyo wiilal Facebook ha noo aadinee bannaanka imoow” ayuu yiri Sheekh Shariif.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com