Sheekh Shaakir oo magacaabay Guddiga Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug

Sheekh Shaakir oo magacaabay Guddiga Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay Guddiga Farsamada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug, kaasoo ka kooban 11 xubnood.

Guddigan ayaa ka hor-imaanaya Guddigii Farsamada ee horay ay u magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo ay wadajir uga soo hor-jeesteen Ahlusuna iyo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Magacaabida Guddigan ayaa imaanaya, xilli magaalada Dhuusamareeb ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana xalay jiray kulan ay yeesheen wasiirka iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kaasoo aan wax natiijo ah ka soo bixin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku diyaarineysay in maalmaha soo socda ay geyso magaalada Dhuusamareeb Guddigii farsamada ee 13-ka xubnood ahaa ee ay dhowaan magacawday, waxaana muuqata in khilaaf cusub oo durba ka taagan yahay hannaanka dhismaha Maamulka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com