Sheekh Nuur Baruud oo ku Baaqay in laga hortago Xildhibaanada Mooshinka keena

HomeWararka

Sheekh Nuur Baruud oo ku Baaqay in laga hortago Xildhibaanada Mooshinka keena

Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
NISA oo shaacisay in Amiirka Al-Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay labo ka mid ah hoggaanka ururka
Saxiixayaasha Xildhibaanada Galmudug oo maanta la xareeyey (Sawiro)

Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: