Kooxda Alshabaab oo sheegay inay dileen Saraakil Katirsan Ciidamadda DFS

Kooxda Alshabaab oo sheegay inay dileen Saraakil Katirsan Ciidamadda DFS

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarkaas ayey Al-shabaab ku sheegtay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan guutada 19aad ,kana ahaa Taliyaha Ururka 2aad.

Sarkaalka la dilay ayey Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Gaashaanlle dhexe Maxamed Raage,waxaana ay xuseen in Garai nooca Cabdi Bilaha ah oo uu saarnaa ay ku dileen.

Sidoo kale AL-shabab aya asheegtay in dagaal kooban kaddib ay halkaas ku dileen Askartii saarneyd Gaariga Gaashaanllaha,waxaan ay xuseen in ay furteen Qoriga saarnaa Gaariga,iyaga oo gaariga uga tagay cillad ka soo gaartay dagaalka socday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com