NISA oo shaacisay in Amiirka Al-Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay labo ka mid ah hoggaanka ururka

HomeWararka

NISA oo shaacisay in Amiirka Al-Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay labo ka mid ah hoggaanka ururka

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay shaaca ka qaaday xog ku saabsan in khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shaba

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed (Akhriso)
Muqdisho| maxaa ka cusub Amniga xabsiga dhexe ee muqdisho,
Sheekh Shariif oo farriin u diray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo K/Galbeed

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay shaaca ka qaaday xog ku saabsan in khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.

Sida lagu daabacay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Golaha Fulinta ee Xarakada Mahad Karateey iyo Bashiir Qoorgaab oo labada ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hoggaanka Al-Shabaab.

Labada nin oo ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa awood ballaaran ku leh hoggaanka xarakada, waxaana madaxooda dul saaran lacag gaareysa shan milyan oo doollar oo Mareykanka ku doon doonayo cidii keenta akhbaar ku saabsan halka ay joogaan.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa u qornaa sidan “Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: