Shaqsigii ugu horeeyey ee Yurub ugu geeriyooday Coronavirus

Shaqsigii ugu horeeyey ee Yurub ugu geeriyooday Coronavirus

Nin u dhashay dalka Shiine ayaa ku dhintay dalka France, kadib markii uu haleelay caabuqa coronavirus.

Ninkan oo qaab dalxiis ah ku tagay markii hore dalka France ayaa da’diisu lagu sheegay 80 sano, waxaana uu ku noolaa gobolka Hubei ee dalk Shiine

Wasaaradda caafimaadka France ayaa sheegtay in ninkan uu yimid dalka 16-ka bishii Janaayo ee sanadkan 2020, iyadoo lagu karantiilay isbitaal ku yaala magaalada Paris 25-kii bishii Janaayo

Waa shaqsigii afaraad ee meel ka baxsan Shiine ugu dhinta caabuqa coronavirus.

Horey waxaa caabuqa coronavirus ugu dhintay seddex qof oo ka soo jeeday Shiine, kuwaasi oo ku sugnaa wadamada kala ah Hong Kong, Philippine iyo Japan

Caabuqa coronavirus ayaa waxaa u dhintay dad gaaraya 1,523 tan iyo markii uu dilaacay.

Xasan Heykal, Daljir Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com