Shacabka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo jidadka dayactiranaya

Shacabka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo jidadka dayactiranaya

Qaylodhaan joogto ah kabacdi oo aan dowladdu waxba ka qaban iyo jidadka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo sii burburaya, waqti roobaadkana u rogmaday boholo biyuhu fariistaan, ayaa shacabka xaafadda 18aad iskood isugu xilqaameen dayactirka qaybo kamid ah jidadka xaafadda oo qaar burbureen, qaarna noqdeen biyo-fadhiisin, sababi karana in ay ka dhashaan cudurada faafa, sida COVID-19.

Shacabkan ayaa Radio Daljir u sheegay in ay imbadan cabashadooda gaysteen Xafiiska Maayarka Jigjiga loona tixgalin waayey codsigooda.

Tixgalin la’aanta Xafiiska Maayarka ayaa shacabka ku dhalisay in ay go’aansadeen in ay iskood isu abaabulaan iskana kaashadaan dayactirka iyo nadiifinta jidadka xaafadda 18aad.

Shacabka oo mar kale farriin u diraya Xafiiska Maayarka ayaa codsanaya in Xafiiska Maayarka Jigjiga uu xaafadda ku caawiyo hal ama labo cagaf oo ka qaybqaata nadiifinta iyo dayactirka jidadka Xaafadda 18aad.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com