HomeUncategorized

Shacabka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose oo walaac ka muujiyay duqaymaha diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta shisheeya ay ka gaysanayaan magaaladaasi.

Kismaayo, Aug 15 - Shacabka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa walaac iyo murugo xoogan ka muujiyay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta shisheeye ee taagan bad-weynta ku ekeenayaan gudaha magaalada, dhibaato xoogana ay ku qabaan dadka aan waxba galabsan.

Al-shabaab oo baaritaano ka bilaabay xaafadaha Baraawe xili la xiray xubno laga shakiyey
Cali Baashi X. Maxamuud oo aan ka waraysanay safar ay ku yimaadeen Puntland. [Dhegaysi …]
(Dhagayso) Wasaaradda caafimaadka Puntland oo sheegtay kororka Viruska HIV/AIDS inuu ku badanyahay gobolka Mudug.

Kismaayo, Aug 15 – Shacabka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa walaac iyo murugo xoogan ka muujiyay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta shisheeye ee taagan bad-weynta ku ekeenayaan gudaha magaalada, dhibaato xoogana ay ku qabaan dadka aan waxba galabsan.


Qaar ka mida dadka rayidkaa ee Kismaayo oo la hadlay Daljir balse codsaday inaan magacooda la adeegsan ayaa sheegay in qaati-bilaahi ay ka taagan yihiin madaafiic laga soo ridayo diyaarado iyo maraakiib dagaal oo mudooyinkii danbe ku soo badanayay gobolka, waxaana dadkaasi ay sheegeen inay hada intooda badan bilaabeen inay ka barakacaan magaalada maadaamaa ay sii badanayso duqaynta aan cidna loo meel dayin, ka dib markii saddex habeen ka hor ay madaafiicdaas ku geeriyoodeen xaafad xigta warshadii hilibka lo’da saddex qof oo labbo ay ahaayeen isku qoys caruura halka kan ay ahayd hooyo, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen dhawr qof oo kale.


Tan iyo markii ciidanka huwantaa ay bilaabeen damacooda ah qabsashada magaalada muhiimkaa ee Kismaayo waxaa soo badanayay weeraro cirka iyo baddaa kuwaasoo bartilmaa-meedkoodu uu yahay Alshabaab oo sanadihii ugu danbeeyay ka talinayay magaaladaasi, mana jirto ilaa iyo hada qasaare weyn oo ka soo gaaray weeraradaasi, inkastoo dawlada kenya oo duulaankaasi fure u ah ay inta badan sheegto inay madaafiicda ay riddo ay ku disho askar iyo saraakiil ka tirsan Alshabaab.


Goobaha laga raaco gawaarida ayaa maalmahan danbe waxaa lagu arkayaa qoysas fara badan oo doonaya inay ka jihaystaan magaalada si ay oga bad-baadaan duqaymaha iyo dagaal suura-gal noqon kara mar walba, ka dib markii todobaad ka hor Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya uu ka sharqamiyay inay soo dhawaatay xiligii ay qabsan lahaayeen Kismaayo iyagoo kaashanaya dawlada ay taagersan tahay QM balse aan lahayn awood fara badan marka laga reebo ciidanka midawga-afrika ee Ammison oo la qabtay deegaano badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


Dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay dad-weynaha reer Kismaayo ayaa ku jiray xaalad jah-wareera waxaana mar walba ay ka cabsi qabeen in dagaal culus uu ka dhaco magaaladaasi, dhinaca kale warar hoose oo Daljir ay ka helayso dad jooga Kismaayo oo magacooda aynu qarinay sababo amni ayaa sheegaya in intii badnayd saraakiishii Alshabaab ee joogay halkaasi ay isaga baxeen iyadoo dhawrkii habeen ee ugu danbeeyayna ciidanka Alshabaab ay ka baxaan magaalada oo fariisimo ay ka samaystaan duleedyada degmada, inkastoo magaalada sideeda kale ay xasiloon tahay hadana marka la eego dhaqdhaqaaqyada ay samaynayaan Alshabaab iyo maraakiibta dagaal ee ku soo siqaya xeebta waxaa la filan karaa dagaal si deg-dega oga holca magaaladaasi hadii aysan si iskooda xarakada Alshabaab oga bixin magaalada.


Diiwaanka Wararka


Daljir


(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: