HomeUncategorized

Haweenka Puntland, Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo sheegay in laga qadiyey qoondadii baarlamaan.

Garowe, Aug 14 ? Inta badan haweenka gobollada Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyey marin-habaabin lagu sameeyey hannaankii xulidda wakiillada cusub ee Soomaaliya.

Shir looga Hadlayo Qaxootiga Kenya oo Nairobi uga Furmi doono dowladaha Dariska ah
Mudane Hilowle ? Jubba caqabad kuma aha in maamul loo dhiso gobollada Baay iyo bakool?
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Maxamuud Cabdi

Garowe, Aug 14 ? Inta badan haweenka gobollada Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyey marin-habaabin lagu sameeyey hannaankii xulidda wakiillada cusub ee Soomaaliya, kaddib markii sida ay sheegeen la baal-mariyey qoondadii haween ahaan ay ku yeelan lahaayeen baarlamaanka cusub ee haatan soo soociddiisu ay gabo-gabada tahay.

Shir baaxadleh, oo ay ka qaybgalayeen haweenka deegaannada Puntland, Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo kuwa gobolka Hiiraan, kuna saabsan muujinta dareenkooda qadineed ayaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda hormarinta haweenka iyo arrimaha qooyska Puntland ee magaalada, kaasoo lagu soo bandhigay xogo la xiriira sida haweenka looga sad-bursaday, loogana musuq-maasuqay qoontadii ay ku lahaayeen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya taasoo dhammayd 30%.

Haweenka shirka ka qaybgalay oo khudbado xiriir ah ka jeediyey furitaanka shirka, ayaa sheegay si xad-dhaaf ah in loogu xad-gudbay tiradii qoondaysnayd ee ay baarlamaanka ku lahaayeen, taasoo ku caddayd heshiisyadii shirarkii ka dhacay Garowe, Galkacyo, Muqdisho, Addi-abab, Istanbuul, Nairobi iyo Londan, waxaana ay sheegeen taasi tallaabadaasi in ay sharci-dumin iyo ku tumasho xuquuq haweeneed.

Ardo Siciid Gacamay, oo xubin ka ahayd haween horay loogu xilsaaray dabagalka iyo doon-doonidda qoondadooda, ayaa shirkaasi ka sheegtay in ay geed-dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u hanan-lahaayeen qaybtooda baarlamaan, hase ahaatee taasi ay ka suuragali wayday odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee matalaya beelaha Soomaalida, ayna si cad u duudsiyeen haweenkii Soomaaliyeed.

?Odayaasha dhaqanku waxay sameeyeen eex, kala godobsi rag iyo haween, waxayna ku xad-gudbeen xuquuqdii haweenka Soomaaliyeed, si cad ayeyna dhagaha uga furaysteen hadalladii haweenka iyo cabashooyin xiriir ah oo aan u gudbinnay, kuna saabsanaa helidda qoondadayadii baarlamaan ee ahayd 30%? Ardo Siciid.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo wasaaraddeedu ay lahayd casumaadda shirka iyo furitaankiisaba, waxaana ay xustay dulucda isku imaatin in ay dul-harsan doonto bidhaaminta waxyaabaha ka qalloocday qoondadii haweenka.

Sidoo kale kulanka lagu muujinayey cabashada haweenka Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Garowe, waxaa goob-joog ka ahayd hay?adda UNPOS, oo uu shirka uga sugnaa wakiilkeeda Puntland.

Shirkaan ay haweenku iskugu yimaadeen, laguna soo bandhigay ku tagri-falka qoondadii baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu meel gabagabo ah uu marayo qorshihii xulitaan ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(G).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: