HomeUncategorized

Shacabka degmada Caabudwaaq oo soo dhaweeyay maamulka cusub ee degmada loo dhisay

Caabudwaaq, March 10- Shacabka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee dawladda Soomaaliya ay u magacawday degmadaasi ka dib markii dhawaan uu gaaray R/wasaare Saacid iyo xubno ka mida dawladda.

Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo ku midoobey dagaal ka dhan ah AMISOM ta Kismaayo (MAQAL)
Qaar kamid ah Dhaqaatiirta Afrika oo Shir ku leh Mombasa
SAWIRRO-Madaxweynaha dowladda Puntland oo lagu soo dhoweeyey Shiinaha.

Caabudwaaq, March 10- Shacabka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee dawladda Soomaaliya ay u magacawday degmadaasi ka dib markii dhawaan uu gaaray R/wasaare Saacid iyo xubno ka mida dawladda.


Wariyaheena Bashiir Nadaara oo ka mida hawlwadeenada daljir Caabudwaaq ayaa sheegay shacabku inay qiiraysnaayeen, iyagoo ku faraxsan maamulka dawligaa ee deegaanka, dadweyne isugu soo baxay fagaaraha Hanuuniye ee ku dhaw saldhigga degmada ayaa muujiyay isu soo bax taageeraa, iyagoo ku dhawaaqay ereyo ay lagu soo dhawaynayo maamulka cusub ee degmada.


Dadka isku soo baxay waxaa la hadlay xubno ka mida maamulka degmada, iyadoo sidoo kale dadweynaha ay u hadleen odoyaal iyo waxgarad ka tarjumayay taageerada shacabka.


Maamulka cusub ee degmada Caabudwaaq dhawaan loo yagleeyay ayaa meesha ka saaray murankii iyo isqabqabsigii dhanka maamulka ee inta badan guuxooda laga dareemi jiray degmadaasi.


Diiwaanka Wararka
Radio daljir
(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: