HomeUncategorized

Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo ku midoobey dagaal ka dhan ah AMISOM ta Kismaayo (MAQAL)

Kismaayo, July 08- 2013 - Ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa daaha ka qaaday in ay xulufaysi la samaysteen kooxda Al-shabaab.

Dagaalkii Sool-joogto oo joogsaday iyo ciidamada deegaanka Buuhoodle guulo ka sheegtay.
Waxgaradka magaalada Baladweyne oo kulan ka yeeshay hawlaha cisbitaalka magaaladaasi.
?Dhacdo layaab iyo fajac leh ayay nagu noqotey markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Britian oo shaley kusoo xirtey Laas qorey? Askar, wasiirka warfaafinta ee Puntland.

Kismaayo, July 08- 2013 – Ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa daaha ka qaaday in ay xulufaysi la samaysteen kooxda Al-shabaab, iyagoo diyaarinaya haatan qorshe ka dhan ah Kenya.

Korneel Faarax Cali Guuleed oo ka mid ah saraakiisha dowlada ee ku sugan Jubbada Hoose wuxuu sheegay in Kenya ay arimo dhalin kara cawaaqib xumo ay ka wado Jubbada Hoose, sarkaalku wuxuu intaas ku daray in diyaariyeen qorshe ay ku mideeyeen al-shabaab gobolkaas iyo ciidamada dowlada.

Wuxuu sheegay korneel Guuleed in ciidamada Kenya ay dagaalo culus oo gobolka ka dhacay qeyb weyn ka qaateen isla markaasna in aysan waxba u reeban dadka oo ay u adeegsadeen hubka cul culus, waa sida u hadalka u dhigay sarkaalka oo la hadlay Radio Dalir.

Ugu dambeyntii wuxuu ku eedeyey ciidamada Kenya in ay dhibaato ka wadaan Jubbooyinka isla markaasna aysan u joogin gobolka howgalka AMISOM, balse ay doonayaan in ay qabsadaan gebi ahaanba gobollada Jubbooyinka iyo weliba gobolka Gedo, eedeyntaan ayaa imanaysa xili dagaaladii Kismaayo ka dhacay lagu jebiyey kooxo ka soo horjeeday Jubbaland.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Weriyaha Daljir Cali Maykal ayaa waraystay Korneel Guuleed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: