HomeUncategorized

Waxgaradka magaalada Baladweyne oo kulan ka yeeshay hawlaha cisbitaalka magaaladaasi.

Baladweyne , Jan, 04- Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha ,Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledwayne ee xarumta gobolba Hiiraan loogana hadlayay daba qabashada cisbitaalka magaalada baladweyne.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.
Saddex qof oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Boosaaso & bilesyka oo baaritaanno wada.
Xaaladda magaalada Galkacyo oo deggan & wadahallo lagu joojinayo xiisaadda colaadeed oo socda.

Baladweyne , Jan, 04- Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha ,Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledwayne ee xarumta gobolba Hiiraan loogana hadlayay daba qabashada cisbitaalka magaalada baladweyne.


Kulankaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin maamul iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa xirnaasho ku yimaado cisbitaalka magaalada.


Masuuliyiintan iyo indheer garadka ayaa isla bidhaamiyay muhiimadda uu caafimaadka u leeyahay qofka bani’aadankaa isla markaana aysan suura gal ahayn inayn nolol ka jirto meel aan lahayn kaabayaasha aasaasiga ah u caafimaadka.


Haween ka mida kuwa gobolka ayaa ka digay inuu xirmo cisbitaalka Baladweyne iyagoo xubnihii kulankaas ka qayb galayna ay isku wada raaceen in la sameeyo qorshe cad oo lagu badbaadinayo hawlaha cisbitaalka oo si deg dega loo gudo galo.


Cisbitaalka Baladweyne ayaa dhawaan waxaa isaga baxday oo hawlihii ay u haysay joojisay hay’adda MSF Swiss oo in muddaa gacanta ku soo haysay.

Diiwaanka Wararka

Radio daljir

(S).
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: