TPEC Oo 100 arday u diyaarisay qaabka loo maamulayo doorashooyinka Golaha deegaanka Nugaal

Garoowe, July 08- 2013 – Guddiga KMG ?ah ee doorashooyinka Puntland ayaa in ka badan 100 ardayda oo kuwa ?dhigta jaamacadda ku yaala Garoowe u diyaariyay doorashooyinka golayaasha deegaanka, ?ee 15ka bishaan ?ka dhacaya Puntland gaar ahaan ?degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Nugaal.

Ardaydaan oo ah isku dhaf Rag iyo dumar ?ayaa guddigu u soo gabagabeeyay Tababar labba maalin socday, tababarkas oo lagu barayey sida loo maamulayo doorashooyinkaas. Waxaana kadib lagu dhaariyay xarunta jaamacadda PSU ee Garoowe.

Degmooyinka Garoowe. Burtinle, Eyl, Godob jiraan iyo Danoarayo iyo dhammaan tuulooyinka ku xeeran ayaa ardayda loo qorsheeyay in ay Gudoomiyaal ?iyo xog hayn ka noqdaan doorashooyinka dowladda hoose, ee dhowaan la filayo in ay kak bilowdaan deeganada Puntland oo dhan.

Maxamed Xasan Barre Gudoomiyaha KMG ah ee guddiga doorashooyinka ee Puntland ?ayaa booqday xilli ay ku jireen tobabarka, ?Waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay si daacad u maamulaan doorashooyinka 15, July ka furmaya guud ahaan deeganada Puntland oo dhan.

12-ka bishaan aynu ku jirno ee July ayaa ardayda u waxay u amba baxayaan goobihii loogu tala galay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhamaan agabkii iyo qarashkii loogu tala galay inta ay howsha doorashooyinka ka socoto guud ahaan deeganada Puntland oo dhan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com