HomeUncategorized

Gudoomiyaha cusub ee Burtinle oo maanta la kulmay golihiisa deegaanka

Burtinle, March 09- Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Liibaan Xirsi Khaliif ayaa maanta mar uu golaga kala qayb galay kalfadhigoodii caadiga ahaa waxaa uu hor dhigay shan qodob oo uu sheegay inuu ku dhaqadhaaqayo maamulka waxna uu ka qaban doono.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
Ciidanka Danab ee XDS oo khasaare ballaaran u geystay maliishiyada Al Shabaab.
Jubbaland oo sheegay in kooxda Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaaday Garoonka Kismaayo.

Burtinle, March 09- Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Liibaan Xirsi Khaliif ayaa maanta mar uu golaga kala qayb galay kalfadhigoodii caadiga ahaa waxaa uu hor dhigay shan qodob oo uu sheegay inuu ku dhaqadhaaqayo maamulka waxna uu ka qaban doono.


Gudoomiyaha ayaa sheegay in shantaasi qodob uu golaha iyo shacabka ay ka wada qayb qaataan fulintooda.


Qodobada uu gudoomiyuhu hor dhigay golaha.


In dib u habayn lagu sameeyo dawladda hoose


abuurista qorshe siyaasadeed lagu wacyi galinayo bulshada deegaanka


Hormarinta qaadista canshuuraha iyo ilaalinta dakhliga degmada


Xoojinta maamulka iyo ciribtirka jahwareerka maamulka soo kala dhex gala


Iyo in jawi wada shaqayneed laga dhex abuuro maamulka gudihiisa isfahanna laga dhex dhaliyo maamulka iyo golaha.


Gudoomiyaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in mamaulkiisa waxyaabaha diiradda uu saarayo ay ka mid yihiin dhismaha jidka laamigaa ee dhex mara degmada iyo ka hor tagista wax walboo deegaanka nadaafad darro u keeni kara.


Dhawaan ayay ahayd markii golaha deegaanka degmada Burtinle ay gudoomiye u doorteen Liibaan Xirsi ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore Faarax Salwe.


Diiwaanka Wararka daljir
Burtinle
(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: