Shabaab oo weeraray Saldhigii Af-urur ee ciidamada Puntland

Shabaab oo weeraray Saldhigii Af-urur ee ciidamada Puntland

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar madaafiic ah kusoo qaadeen saaka waabarigii saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur.

Ilaa iyo 10 hoobiye ayaa lagu soo waramayaa in Al-shabaab ay kusoo tuureen saldhiga Ciidamada, balse ciidamadu waxa ay sheegeen iney iska difaaceen weerarka uga yimid dhanka Al-shabaab.

Majirto ilaa iyo haatan cid faahfaahin ka bixisay khasaaraha weerarkan.

Al-shabaab ayaa intabadan weeraro gaadmo ah ka geysata Af-urur, kuwaas oo ay kamid yihiin miinooyin dhulka lagu Aaso iyo weeraro gaadmo ah.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com