Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay Soomaali Lagu Xirey Dalka Zambia

HomeWararka

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay Soomaali Lagu Xirey Dalka Zambia

Dowlada Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay Soomaali badanoo lagu xirxirey dalka Zambia. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibbada Soomaaliya ay

MKX ASWJ Gobolada Dhexe: “Dagaalka Xeraale waxaa Abaabulay Galmudug”
Dabayl Xoogan oo dumisay Guryo baddan Gobalka Nugaal (dhegayso)
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilka QM kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha

Dowlada Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay Soomaali badanoo lagu xirxirey dalka Zambia.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano la xariira sababaha keenay in dadkaasi si guud loo xirxiro xilli ay muddo dheer ku noolayeen dalkaas, islamarkaana arintaasi ay salka ku heyso isir naceyd.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Shalay ayaa magaalada labaad ee ugu weyn dalka Zambiaee Ndola ayaa ciidamo Boolis ah waxa ay tageen masaajid ay Soomaalidu ku tukanaysay salaada Jimcaha iyo xaafad ay degenaayeen Soomaalda waxaana la xirxirey Soomaali tiradoodu ka badan tahay boqol ruux.

Hase yeeshee dadaalo ay sameeyeen diblumaasiyiinta Soomaalida ah ayaa suurtogaliyay in la sii daayo inta badan Soomaalida ku nool dalka Zambia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: