HomeWararka

Sayladda xoolaha ee Qardho oo mashquul laga dareemayo (sawiro)

Maalinta beri oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa waxaa ay shacabka intooda awoodda ay sameeyaan gowrac xoolaha nool oo ka mid ah cibaa

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | XASAN BAASHE | GAROWE 21-JULY-2022
Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay Casho Sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska ee Qardho (Daawo)

Maalinta beri oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa waxaa ay shacabka intooda awoodda ay sameeyaan gowrac xoolaha nool oo ka mid ah cibaadada maalmaha xajka dunida muslimka oo dhan.

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa siwayn laga dareemayaa sayladda xoolaha mashuul aad u wayn iyadoo dadku ay iibsanayaan xoolaha nool gaar ahaana ariga si loo gowraco maalinta koowaad ee Ciida.

Qiimaha ariga ayaa laga dareemayaa sare u kac, waxaana heerka koowaad uu yahay neefka afar jirka ah $75, halka heerka labaad iyo sadexaad uu u dhaxeeyo ilaa $65 iyo $70.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: