HomeUncategorized

(Sawiro), Hay’adda VSF-Germany oo maanta shaacisay mashaariic ay ka fulin doonto Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Jan 31- Hay'adda VSF-Germany ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan ay ku daah furaysay mashaariic ay dhawaan ka bilaabi doonto magaalada Gaalkacyo.

DHEGEYSO-Beelaha gobolka Sanaag oo shir uga furmayo Badhan.
Afmadow: Muxuu ka dhiganyahay ciidan-la-wareegga fashilmay ee DFS? (dhegayso wareysi xildhibaan hore Cabdibarre Jibriil)
Maamuka Cusub ee Gobolka Kar-kaar oo xilka la wareegay

Gaalkacyo, Jan 31- Hay’adda VSF-Germany ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan ay ku daah furaysay mashaariic ay dhawaan ka bilaabi doonto magaalada Gaalkacyo.


Shirkan oo lagu daah furayay mashaariic hay’addaasi ay ka bilaabayso Gaalkacyo waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida hay’adaha gobolka ka hawl gala iyo ururada bulshada rayidkaa? oo lagu casumay.


Furitaankii kulanka waxaa Ugu horayn furay hadalo koobana ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Puntland C/qaadir Yuusuf Daahir oo ka qayb galayaasha ku booriyay inay ka faa’iidaystaan dadka kalana ay u gudbiyaan mashaariicda ay soo waddo hay’adda VSF Germany oo iyadu xafiiskeeda Gaalkacyo dib uu u bilaabay barnaamijyaddii uu fulin jiray.


Aamino Cismaan Xaajo oo ka socotay hay’adda UNHCR ayaa iyaduna goobta ku soo bandhigtay waxqabadka gobolka ee hay’addaasi iyo sida ay isku kaashan karaan, Aamina ayaa sheegtay in mashaariicda ugu badan ee hay’adaha qaarkood ay iska kaashanayaan ay tahay kuwa ku saabsan arimaha haweenka gaar ahaan sidii loo joojin lahaa tacadiyaha ay la kulmaan.


Xubnaha ka socday xafiiska hay’adda VSF-Germany ee Gaalkacyo? ayaa sheegay inay barnaamijyo wax ku ool ah oo dani ay ugu jirto dadka iyo deegaanka ay qorshaynayso fulintooda hay’adda VSF Germany iyadoo kaashanaysa hay’adaha xiriirka uu kala dhexeeyo.


Gabagabadii madaxa VSF Germany Axmed Naaji Bashiir Maxamed ayaa qaybaha bulshada ee kulankaasi ka qayb galay waxaa uu u sharaxay dib u hawl galinta xafiiska hay’adda ee Gaalkacyo, isagoo balan qaad ka sameeyay ,mashaariicda soo socda ee ay wadaan.


Barnaamijkan ayaa loogu magac daray Awood siinta haweenka Soomaaliyeed afka qalaadna lagu yiraahdo ( Promotion Of Gender Equality and Women’s Empowerement Somalia).


Si kastaba kulankii maanta ay hoteelka Classic ee Gaalkacyo ku qabatay hay’adda VSF Germany ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)


Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

?


?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: