Afmadow: Muxuu ka dhiganyahay ciidan-la-wareegga fashilmay ee DFS? (dhegayso wareysi xildhibaan hore Cabdibarre Jibriil)

Afmadow: Muxuu ka dhiganyahay ciidan-la-wareegga fashilmay ee DFS? (dhegayso wareysi xildhibaan hore Cabdibarre Jibriil)

Wararkii ugu danbeeyey ee khilaafka DFS iyo Jubaland ayaa lugaha la galay isku day la wareeg ciidamada Jubaland iyada oo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta aagga Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose uu sheegay in uu fashiliyey khayaano iyo laaluush ay ka danbeeyeen Madaxda ugu sarreysa DFS iyo saraakiisha sare ee hay’adda Nabadsugidda dalka ee NISA.

Taliyaha ayaa sheegay in lacag caddaan ah loo soo direy (hoos arag), lagana ballanqaaday lacag doolarka Mareykanka oo kor u dhaafeysa malaayiin doolar iyo waliba deeganaansho dalka Turkiga haddii uu fuliyo dalabaadka DFS oo ay ugu horreyso in uu Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ee aagga Afdmadow hoosgeeyo kuwa DFS.

Ammuurahaas iyo weerarada dahsoon ee DFS ay ku waddo dowlad goboleedyada dalka waxa aan ka waraysanay Cabdibarre Jibriil.

Hoos ka dhegayso

Warka la xiriira Jubaland

Laaluush, Ballanqaad, Ciidan kala Wareejin iyo Fashil Cusub oo soo Foodsaaray Villa Somalia

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com