Maamuka Cusub ee Gobolka Kar-kaar oo xilka la wareegay

Axad, Oktoobar 11, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar mudane Cabdulqaadir Ciise Carshe ayaa maanta xilkii kala wareegey gudoomiyihii hore ee gobolka Cabdi Quraan Maxamed Aadan, kadib munaasabad ballaaran oo kadhacday magaalada Qardho.

Munaasabaddaan uu xilka kula wareegayey gudoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka kunool magaalada Qardho ee xarunta Karkaar iyo guud ahaan gobolka.

 Guddoomiyihii hore ee Gobolka Karkaar Cabdiqur’aan Maxamed Aadan ayaa soodhoweeyey gudoomiyaha cusub ee gobolka, wuxuuna balanqaaday inuu kala shaqayn doono sidii uu kor ugu sii qaadi lahaa horumarka guud ahaan gobolka.

Cabdulqaadir Ciise Carshe gudoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee gobolka Karkaar, wuxuuna balanqaaday inuu shaqada meesheedii kasii wadi doono, isagoona bulshada kacodsaday inay la shaqeeyaan.

By: Abdirashiid

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com