Sarkaal ka tirsan ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo Qarax lala eegtay

HomeWararka

Sarkaal ka tirsan ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo Qarax lala eegtay

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa in qarax uu ka dhacay , kaasi oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xasilinta magaalada Gaalkacyo.

Mid Kamid ah Beelaha Puntland oo Taageeraysa Kordhinta Barlamaanka
Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Boosaaso
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa in qarax uu ka dhacay , kaasi oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xasilinta magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Faarax Istakiin, ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxa oo ahaa mid gaarigiisa lagu xiray.

Ciidamada Amniga ayaa qaraxa kaddib howlgalo ka sameeyay xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay.

Dhaawaca sarkaalkan ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Muddooyinkii u dambeeyay magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacayay falal amni daro, iyadoo bishii December ee sanadkii hore qarax lala eegtay Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka Jeneraal. Cabdixamiid, inkastoo uu ka badbaaday.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: