Saraakisha Ciidanka AMISOM oo sheegay inay qabteen Ciidamo ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Saraakisha Ciidanka AMISOM oo sheegay inay qabteen Ciidamo ka tirsan Alshabaab

Taliska Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Burundi ay ku qabteen

loolanka dowladda iyo Ahlusunna ee dhismaha Galmudug (Warbixin)
Ra’iisul Wasaare Rooble: “Gal Dacwadeed Maxkamad Horyaalla In loo Magacaabo Guddi Baaris Ah Waa Arrin Baal Marsan Dastuurka” (daawo)
Hiigsi & Hayaan: Taxanaha 12aad iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi

Taliska Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Burundi ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro kala duwan ka fuliyay Gobolkaas.

Howlgalka oo ay ku wehlinayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sameeyay inta u dhaxeysa degaannada Gololeey iyo Qalimow oo hoostaga degmada Balcad, waxaana AMISOM ay sheegtay in Xubnaha Shabaab ay qabteen ay ku wareejiyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada AMISOM ee Burundi oo saldhigoodu yahay Gololey & Ceel-gelow ayaa hawlgal wada jir ah ay la sameeyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, Tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la qabtay laguna wareejiyay Taliska Booliska Soomaaliyeed si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in ujeedka howlgalka uu ahaa in la ogaado dhaq dhaqaaqyo ay Al-Shabaab ka wadeen wadada xiririisa Magaalooyinka Balcad & Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey oo goor siihoreysay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhankiisa in howlgalka lagu dilay madaxii qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: