Ra’iisul Wasaare Rooble: “Gal Dacwadeed Maxkamad Horyaalla In loo Magacaabo Guddi Baaris Ah Waa Arrin Baal Marsan Dastuurka” (daawo)

Ra’iisul Wasaare Rooble:  “Gal Dacwadeed Maxkamad Horyaalla In loo Magacaabo Guddi Baaris Ah Waa Arrin Baal Marsan Dastuurka” (daawo)

Rooble ayaa yiri “Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska”

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com