Lacagtii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la ogaaday cida lahayd

Lacagtii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la ogaaday cida lahayd

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in lacagtii shalay Booliska sheegeen inay gacanta ku dhigeen ay laheyd gabar ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin C/qaadir Isaaq.

Ehelada gabadha oo la xiriiray Booliska ayaa sheegay in gabadha ay Kenya uga Ganacsato dahab, waxaana gabadha saaka soo gaartay Muqdisho, iyadoo hadda ku sugan Saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha, booliska ayaa gabadha su’aalo weydiinaya warbixin ka qoraya.

Gabadha ayaa sheeganeysa in lacagteda ay dhameyd illaa Hal Milyan oo dollar, halka lacagta shalay booliska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 illaa 300,000, inkastoo aanu Boolisku sheegin cadadka lacagta ay qabteen.

Lacagta shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha waxaa waday nin ay gabadha u soo dhiibatay lacagta, waxaana baaritaankii shalay ciidamada ku sameeyeen ninka waday uu u sheegay inay leedahay gabar ganacsato, waxaana xiriir taleefan oo dhex maray gabadha iyo Booliska laga codsaday inay la timaado cadeymaheeda.

Taliyaha Booliska Jen. Xijaar ayaa shalay sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga garoonka diyaaradaha ay gacanta ku dhigeen lacag si sharci darro dalka ku soo gashay oo ka timid dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com