Saraakisha Ciidamadda Dowladda oo sheegay inay khaarajiyeen saraakil ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Saraakisha Ciidamadda Dowladda oo sheegay inay khaarajiyeen saraakil ka tirsan Alshabaab

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Balcad

LAASCANOOD: Xildhibaan Hon Cabdi Qowdhan Warsame oo gaaray Magaaladdas
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Puntland oo go’aamisay in xukun dil ah lagu fulinayo qofkii la shaqeeya Somaliland (dhegayso)

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degaananda ku teedsan wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo dhowr jeer weeraro qaraxyo ah ka geystay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ku guulerysteen in ay howlgalka ku dilaan madaxii qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen laba kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: