Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay lacag kenya laga keenay

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay lacag kenya laga keenay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in lacag tiro badan oo ka timid dalka Kenya lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada lacagtan qabtay, isagoo tilmaamay inay baaritaan ku wadaan.

“Waxaan ku boggaadinayaa Ciidanka Booliska ee Saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qabtay lacag tiro badan oo sharci darro dalka ku soo gashay, lana socotay diyaarad ka timid dalka Kenya”ayuu yiri Taliye Xijaar.

Lacagtan oo lagu soo bandhigay saldhigga booliska ayaa la sheegay inuu qof watay, waxaana ay u muuqatay lacag boqolaal kun oo dollar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com