Saraakisha Ciidamadda dowladda oo digniino culus soo saaray

HomeWararka

Saraakisha Ciidamadda dowladda oo digniino culus soo saaray

Taliska Ciidamada Booliska Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo saaray amarro ku socda dadka Garsoorka u doonta Maxkamadadaha Al-Shabaab oo ku

Qadar: “Heshiis Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya baan Wadnaa”
Munaasbaad lagu Xusayaay Maalinta HIV AIDSka oo lagu qabtay Gaalkcyo (dhegayso)
Wasaaradda Cadalaadda Dowladda Somaaliya oo ka hadlay Cadaalad darada dalka kajirta (dhegayso)

Taliska Ciidamada Booliska Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo saaray amarro ku socda dadka Garsoorka u doonta Maxkamadadaha Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Baardheere Gaashaanle Cabdi Sheekh Xasan Cilmi ayaa sheegay in laamaha Amniga degmada Baardheere aysan maranaba ogolaan doonin in dadka ay maxkamadaha Al-Shabaab u xukun doontaan.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Al-Shabaab ay yihiin Urur dagaal kula jira dowladnimada Soomaaliya, isla markaana cid kasta oo la Shaqeeysa, sidoo kalena xukun u doonata ay lamid yihiin Al-Shabaab lana dagaalami doonaan.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Baardheere Gaashaanle Cabdi Sheekh Xasan Cilmi waxaa uu sheegay in ciddii aan fulin amarka kasoo baxay Booliska ee garsoor u doonta Al-Shabaab degaannada ay ku sugan yihiin tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Amarkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan la sheego in dadka ku sugan meelaha ay dowladda Soomaaliya maamusho ay garsoor u doontaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: