Saraakisha Amniga Jubbaland oo sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Shabaab

Saraakisha Amniga Jubbaland oo sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Shabaab

Nabadsugidda Jubbaland oo Shacabka iyo ganacsatada uga digtay in ay u nuglaadaan hanjabaadaha Al-Shabaab

Taliyaha Nabadsugidda Jubbaland Col Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa uga digay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay u nuglaadaan hanjabaadaha Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Shacabka iyo ganacsatada si ay lacago uga qaadaan.

Waxaa sheegay in ciddii Shabaab ay lasoo xiriiraan una hogaansanta awaamiirtooda ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Taliyaha ayaa sheegay in haddii ay amarkooda qaataan ay suurogal tahay in ay howlgalna u fuliyaan taasoo uu sheegay in ay tahay arrin Qatar weyn ay ka dhalan karto.

Wuxuu ugu baaqay cid walba oo ay Al Shabaab usoo hanjabto in ay lasoo xiriiraan hay’adaha ammaanka, lana damaanad qaadi doono ammaankooda.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com