Saraakisha AMISOM & Ciidanka Booliska Jubbaland oo kormeeray xarunta doorashada (Sawiro)

HomeWararka

Saraakisha AMISOM & Ciidanka Booliska Jubbaland oo kormeeray xarunta doorashada (Sawiro)

Taliyha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland Col.Maxamed Naasir oo uu wehlinayay iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa waxaa a

Sheekh Cabduqaadir Soomow iyo wacyiga Covid19 (daawo)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka soo horjeestey magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni
Warka Fiidnimo iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Taliyha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland Col.Maxamed Naasir oo uu wehlinayay iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa waxaa ay Maanta booqdeen howlka la filayo in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Xarunta lagu qabanayo doorashada ayaa ku taalla kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland Ex-Caymiska ee Magalada Kismaayo.

Sarakiishaan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan e Howlka Xarunta oo ay amaankeeda siwadajir ah u ilaalinayaan Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa Booliska AMISOM ee ku wada sugan Kismaayo.

Qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland gaar ahaan midowga musharixiinta ayaa horay u dalbaday in sugida Amniga halka lagu qabanayo doorashada ay qeyb ka ahaadaan ciidamada AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: