Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka soo horjeestey magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka soo horjeestey magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub sidaas darteedna ay baal-marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa qoraalka ku beeniyay in lagala tashaday magacaabida wasiirada iyo wasiir ku xigeenada cusub ee uu Madaxweynuhu magacaabay.

Khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Siciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa sii xoogeysanaya iyadoo dhowaan uu ka soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka Puntland taliye ku xigeen loo magacaabay Madaxtooyada Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com