Saraakiil sarsare oo xoogga dalka ah oo dhintay Qarax ka dhacay koonfurta Galkacyo (dhegayso)

HomeWararka

Saraakiil sarsare oo xoogga dalka ah oo dhintay Qarax ka dhacay koonfurta Galkacyo (dhegayso)

Inta la xaqiijiyey afar sarkaal oo sarsare, kana tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay koonf

Guddiga Difaaca Barlamaanka Somaaliya oo ka hadlay Xiisada kataagan Baladxaawo (dhegayso)
Khasaare ka dhashay roobkii deyrta ee ka da’ay gobolka Bari (dhegayso)
QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaysa xaaladda dalka Somaaliya

Inta la xaqiijiyey afar sarkaal oo sarsare, kana tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfurta magaalada Galkacyo ee maamulka Galmudug, xilli ay ku sugnaayeen goob koontarool ah oo laga sugayey amniga xaflad uu hadal ka jeedin lahaa R/wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Saraakiisha dhimatay waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamada kamaandowska Soomaliya ee Danab qaybtooda Galmudug ka hawgalsha Muqtaar Afku-xoogweyn, kuxigeenkiiisa oo ahaa Marasho, taliyii qaybta 21aad ee ciidama xoogga Qoojo Dagaari iyo Axmed Baarraaf oo ka mid ahaa saraakiisha isla qaybtaasi, ahaana madaxii ciidamada xasilinta Caabudwaaq.

Isla qaraxaasi waxaa ku dhintay guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Galkacyo ee Puntland Tumey, qaar ka mid ah illaaladii saraashiisa, iyo dad shacab ah oo goobta kadhawaa, taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa ku dhawaad 10 qof, inkastoo tiradu intaasi ka badan karto, maadaama aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah.

Dhinac kale tobaneeyo qof oo kale ayaa la tilmamayaa in ay weerarkaasi qarax ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la kala geeyey isbitaalada magaalada Galkacyo.

Maxamed Xasan Sahal oo ah afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug oo haatan ku sugan koonfurta Galkacyo ayaa nooga warramay weerarkaasi khasaaraha dhaliyey.

Hoos ka dhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: