Khasaare ka dhashay roobkii deyrta ee ka da’ay gobolka Bari (dhegayso)

Illaa iyo 50 beerood oo ku yaalay deegaanka Qaw ee gobolka Bari ayaa waxaa la tagay daadad xoogan oo ka soo rogmay toga wayn ee loo yaqaano dheg -caan.

Daadka ayaa dhamaan waxa uu latagay dalagyadii kala duwanaa ee beerahaasi ka baxay iyo qalabkii ay Beeralayda ku shaqaysan jireen.

17 kii bishii 5-aad ee sanadkan  ayay ahayd markii sidan oo kale daadad soo rogmaday ay la tageen dalagyadii iyo qalabkii beerahaasi ku yaalay  deegaanka  Qow.
Deegaankan ayaa magaalada Bosaaso waxa uu ujiraa qiyaastii  ilaa iyo 23 kmtr.

Hadaba Cabdiqani Xasan Maxamed waa gudoomiyaha Beeralayda deegaanka Qaw , waxa uu wariye Xasan Heykal uga waramay khasaaraha ka soo gaaray daadadkaasi

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com