QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaysa xaaladda dalka Somaaliya

HomeWararka

QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaysa xaaladda dalka Somaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Khamiis ah in kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaalada dalka So

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo oo la magacaabay
Biyo La’aan laga soo sheegayo Degaano Hoosyimadda gobalka Bari (Daawo)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Khamiis ah in kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaalada dalka Soomaaliya, iyada oo lagu guda jiro xilli kala-guur ah.

Fadhiga Maanta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor lagu wargeliyay Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin xaalada Amni ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Diplumaasiyiin ka qeyb-geli doona fahdiga Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kulankaan siweyn loo falan qeyn doono Arrimaha doorashada Soomaaliya oo weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin, xilli muddo xileedka Madaxda Dowladda Federaalka uu geba-gabo yahay.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay ku jirtaa waqti kala-guur ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorasho aan wlei la shaacin doona ay tahay taas oo uu muran badan ka taagan yahay.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Saddex Maamul Goboleed & Duqa Muqdisho,kuwaas oo halkaasi u tegay furitaanka Shirka wada-tashiga Dhusamareeb, balse waxaa ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb shuruud ku xiray Madaxda Dowad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0