Muhaajirin ku geeriyooday xeebaha dalka Libya

HomeWararka

Muhaajirin ku geeriyooday xeebaha dalka Libya

Ugu yeraan 45 oo Afrikaan muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Libya taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd oo sanadkan ku dhimata badda Medit

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xukuno lagu riday shabakadii Afduubka iyo Dilka u geysatay Abuukar Kaabax
Madaxweyne laftagareen & Guddoomiyaha Waajid oo ka wada hadlay Go’doonka ay saareen Al-Shabaab degmada

Ugu yeraan 45 oo Afrikaan muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Libya taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd oo sanadkan ku dhimata badda Mediterranen, sida ay QM sheegtay Arbacadii.

War qoraal ah oo ka soo baxay, hey’adda UNHCR iyo IOM ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah wali ku howlan yihiin sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka dhibaatada ku habsatay.

“Ku dhowaad 37 qof ee la soo badbaadiyay waxay badankood ka yimaadeen dalalka Senegal, Mali, Chad iyo Ghana, waxaana soo badbaadiyay kalluumeysato maxali ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dadka degaanka ayaa shaqaalaha hey’adda IOM ku wargeliyay shilkaas iyadoo 45 ruux ee dhimatay ay kamid yihiin shar carruur ah, sababta shilka sababtay ayaa lagu sheegay in doontii dadkaas la socdeen uu matoorkeeda uu qarax ka dhashay xilli ay ku sugneyd xeebta Zuwahra.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: