Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo Kismaayo lagu soo dhaweyeey

HomeWararka

Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo Kismaayo lagu soo dhaweyeey

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad, waana safarkii u horeeyay ee uu ku tago

Xulashada Daljir iyo Axmed Cabdulqaadir Sheekeeye (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku faraxsanahay in Culimadeenna iyo Dowladdu ay u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta”
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad, waana safarkii u horeeyay ee uu ku tago Kismaayo.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, sida Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada iyo xubno kale.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Safiirka Qatar ayaa xariga ka jaray mashaariic waxbarasho ay fulisay dowladda Qatar.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Safiirka Qatar uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qatar ayaa saameyn weyn ku laheyd siyaasadda Soomaaliya saddexdii sano ee u dambeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana siyaasiyiin dhowr ah ay eedeyn u jeediyeen in dhaqaalaha Qatar siiso dowladda Federaalka loo adeegsado burburinta maamul goboleedyada iyo dagaalada siyaasadeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: