Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa sheegay inay taageersan yihiin kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka, kaas oo ay ormuud u yihiin Ciidada xoogga dalka Soomaaliyeed & dadka degaanka ee is abaabulay lana dagaalamaya Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in looa baahan yahay beelaha Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii loo cirirb tiri lahaa ururka Al-Shabaab, si looga gudbo dhibaatooyinka ay horseedeen ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay mid lagu tijaabinayo awooda ay beelaha u leeyihiin inay iska dul qaadaan ugana guuleystaan.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiirka Maraykanka Andre.

Hadalka Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa kusoo aadaya xilli meelo badan oo kamid ah gobolada Hiiraan & Galgaduud ay ka socdaan dagaalo iyo kacdoon ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com