Saansaan burbur iyo sooyaalka cusub ee Somaliland

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Saansaan burbur iyo sooyaalka cusub ee Somaliland

Wararka isa soo taraya oo ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in ay haatan is-laba-lixaadiyeen diidmada gudaha ee looga soo horjeedo hoggaaminta Mada

Nabaddoon Yaasin Cabdi Samad: “Muuse Biixi waxa uu maalin qura Boorame sannadkii 1999 ku laayey 800 qof oo reer Awdal ah”
Farriinta AMNIGA Puntland ee Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 Injineer Jebiye (dhegayso)
Somaliland oo ku jabtay dagaalkii maanta, kuna wayday ciidankeedii iyo cududdeedii hub

Wararka isa soo taraya oo ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in ay haatan is-laba-lixaadiyeen diidmada gudaha ee looga soo horjeedo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland.

Guux hoose oo ka jira magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal ayaa hadda u muuqda mid soo shaacbaxaya, kaasi oo u xusul-duubaya in gobolku uu ka madaxbannaanaado Somaliland inteeda hartay, waxaana diidmadan ay salka ku haysaa sadbursi ay beelaha gobolku u arkaan in ay iskugu sadroonaatay beesha dhexe ee Somaliland, tiiyoo isla beesha Isaaq uu ka dhexaloosanyahay guux hore dibadda u yimid oo beesha Garxajis, ahna beesha ugu ballaaran, deegaan ahaana degta koonfurta Hargeysa illaa Sanaag. Beesha Garxajis ayaa shaaca ka qaaday in aanay maanta muuqan Somaliland loo simanyahay, isla markaana ay waxgarad ka tirsani hore ugu hanjabeen in ay yeelan doonaan maamul iskii u taagan oo ka madaxbannaan Somaliland-ta uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Ammuurahan isbiirsaday ee haatan la soo shaacbaxay caro ragaadday ayaa ay barbarsocdaan baaqyo isdabajooga oo ka imaanaya mucaaradka Somaliland iyo gudaha xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaas oo ku baaqaya in uu Madaxweyne Biixi xilka ku wareejiyo kuxigeenkiisa.

Daljir oo si mug leh isha ugu haysa isbeddelada iyo saansaanta ka duwan sooyaalkii hore loo dhigay ee Somaliland, had iyo jeer kala soco degelkan.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: