30 ruux oo lagu la’yahay dooni ku qallibantay badda mediterraneum

HomeWararka

30 ruux oo lagu la’yahay dooni ku qallibantay badda mediterraneum

Illa 30 qof ayaa la la’yahay, 17 kalena waxaa laga soo badbaadiyay bartamaha badda Mediterranean-ka, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay

Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galaya dalka Gambia
Wasiirka Waxbarashada oo Joojiyay lacagtii Badneyd ee laga qaadayay Ardeyda rabta Shahaadada Dowladda
Guddoomiyaha Barlamaanka DFS oo la kulmay Xildhibaanadi Barlamaankii 9-aad (Sawiro)

Illa 30 qof ayaa la la’yahay, 17 kalena waxaa laga soo badbaadiyay bartamaha badda Mediterranean-ka, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay waqooyiga Dalka Liibiya.

Doonidaan oo ka soo shiraacatay Dalka liibiya ataa lagu waramay dad isugu jiray tahriibayaal ah iyo muhaajiriin ka koobnaa 47 qof .

Doontaan oo ku socdaalayay jihada Talyaaniga, ayaa ku qallibantay meel qiyaastii 177km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Benghazi.

Hay’adda samafalka ee Mediterranea Saving Humans ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay in hawlgallada samata bixinta ay ka qeybqaateen maraakiibta ganacsiga iyo Midowga Yurub ,gaar ahaan hay’adda xuduudaha ee ee Frontex.

ilaalada xeebaha Talyaaniga,ayaa sheegay in shilkaasi uu sababay dabeylo aad u daran oo xagga isbadlka cimilada ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: