HomeUncategorized

R/wasaare Gaas oo ka qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha xoriyatul-qawlka

Muqdisho, may 17 - R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay kulan labo maalmood ka soconayay Xalane oo looga hadlayay qabyo-Qoraalka Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Xulka gobolka Sool oo ka baxay garoonka & guddiga ciyaaraha oo ku hawllan soo celintooda.
Barnaamij gaar ah: Hoos-u-dhaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Puntland
Baahin: Isniin, Dec 26, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Ciidanka amniga & sirdoonka Puntland oo fashiliyey miino lagu aasay wadada madaarka Bossaso; Khasaare nafeed oo ka dhashay duqayn diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka fuliyeen meelo ka mid ah gobolka Gedo; Xukuumada federaalka ah ee Somaliya oo taageeray in billada hogaamiyaha sannadka 2011 lagu sharfo R/wasaaraha Turkiga.

Muqdisho, may 17 – Ra?iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay kulan labo maalmood ka soconayay Xalane kaa oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Warfaafinta loogana hadlayay Qebyo-Qoraalka Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu horeyn Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdulaahi Bille Nuur, ayaa Sheegay in Shirka labadii maalmood ee la soo dhaafay looga hadlayay arrimaha Dastuurka ee Xuquuqul Insaanka iyo Xuruyatul-qowlka Saxaafadda.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa isna sharaxaad ka siiyay Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya kulankii ay la qaateen dhinacyada Bulshadda rayidka ah iyo waliba doodii ay ka yeeshee arrimaha Xuruyatul-qowlka.

?Mudane Ra?iisul Wasaare Waxaan kulankaani u qabaney inaan ka doodno Xuruyatul qowlka iyo Saxaafadda, Waxaan Dastuurkeena cusub ku soo darnay Xuruyatul-qowlka, Waxayna muhiimadiisu aheyd dhowr arrimood oo ay ugu horeyso inaan kaga gudbeyno Kumeel Gaarnimada oo aan dowladd rasmi ah yeelan doono iyo In Saxaafadda loo soo bandhigo sharcigaasi?.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku soo hadal qaaday in mudooyinkii la soo dhaafay xad gudub badan lagu sameeyay Saxaafadda Soomaaliya oo dhalinyaro badan lagu toogtay Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso iyo meelo kale, Waxaana Wasiir Ku-xigeenkuba ka hadalney in dowladda ay wax ka qaban doonto islamarkaana aysan dhici doonin mar kale in nin xad gudub geystay uu magaalada iska dhexmaro.

Dhinka kale Ra?iisul Wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Sharaf weyn ay u tahay inuu maanta kala soo qeyb galo shirka aad kaga hadleyseen arrimaha Xuquuqul Insaanka, Waxaan aad ugu faraxsanahay in labo cisho ay bulshada Rayidka ah gaar ahaan Odoyaasha arrimahaani ku xeel dheer ay si qoto dheer ah uga doodeen si loo hubiyo in Qebyo-Qoraalka Dastuurka qodobadiisa la xiriira Xuquuqul Insaanka ay u noqon lahaayeen kuwa hormarinaya danaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Xuquuqdooda lama taabtaanka ah.

Sidoo kale Ra?iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay inuu aad uga xunyahay tacdiyadda loo geysanayo Suxufiyiinta oo ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

?Waxaan aad idin kugu bogaadiyanayaa daruufaha adag oo aad ku shaqeyneysaan iyo caqabadaha maalin walba idin ka soo wajahaya kuwa damiir laawayaasha, dowladuna ma ogolaan doonto in dhib loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed?.

Ugu dambeyntii Ra?iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go?an tahay hormarinta xuruyatul-qowlka sababtoo ah waxaa jirayn heshiis Is-afgarad ah oo ay dowladdu la saxiixatay hay?adda QM u qaabilsan Xuquuqul Insaanka si dowladdu looga taageero dhanka logistic-da iyo in si wada jir ah loogu shaqeeyo Xuquuqul Insaanka, waana mid ku cad Dastuurkeena.

-DHAMAAD –


Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-244689
+252-699 070907
Mogadishu, Somalia

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: