RW Rooble oo kala hadlay safiirka Imaaraadka arrimaha fatahaadaha Hirshabelle

RW Rooble oo kala hadlay safiirka Imaaraadka arrimaha fatahaadaha Hirshabelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.

Ra’isul wasaare Rooble iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Dowlada Federalka ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay wax u qabanayso dadka ay fatahaaduhu saameeyeen inkastoo illaa iyo hadda majirto tallaabo ay qaaday dowlada oo ah sidii loo caawin lahaa qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhowaan booqday magaalada Jowhar isagoo sheegay in uu ka codsan doono beesha caalamka sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen mana jirin dhaqaale ay dowladu ugu yaboohday wax ka qabashada fatahaadaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com