RW Rooble oo gaaray xerada Ciidanka ee Bali-doogle

RW Rooble oo gaaray xerada Ciidanka ee Bali-doogle

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com