RW Rooble oo Caabudwaaq gaaray

RW Rooble oo Caabudwaaq gaaray

Wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Cabudwaaq.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo ka wada hadli doono colaad beeleedyo maalmahaan ka jira degmada iyo mashaariic dhawaan laga fulinayo.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com