RW Rooble iyo Guddoomiyaha Barlamaanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

HomeWararka

RW Rooble iyo Guddoomiyaha Barlamaanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan waxaa uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku

Golaha Aqalka Sare oo kulan muhiim ah Muqdisho ku yeeshay
Kulanka Golaha wasiirrada Oo Looga Hadaly Tirakoobka Shaqaalaha Iyo Qorshaha Dayn Cafinta (Sawiro)
Qorsha uga dagsan Puntland shacabka gobalka Gardafuu (dhegayso|daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan waxaa uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub uga mahad celiyay doorkii ay Guddoonka Golaha Shacabka ka qaateen ansixintii Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo wada-shaqeynta laga sugayo xukuumadda uu soo Magacaabi doono iyo Golaha Shacabka.

“ Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka loo igmaday, iyaga oo ugu baaqay in ka Shaqeeyo arrmo dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida Amniga doorashooyinka iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada Cusub, iyada oo ay jiraan qaar kamid ah Golihii hore ee xukuumadii Kheyre iyo Xubno kale oo dadaal ugu jira kamid noqoshada Xukuumadda Cusub.\

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: